Badalka Virgil Van Dijk..Schalke Oo Noolaysay Rajada Liverpool Ee Saxiixa Ozan Muhammed Kabak

Kooxda Lyon ayaa noolaysay rajada kooxda Liverpool ee saxiixa daafaca Ozan Muhammed Kabak marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ozan Muhammed Kabak Ayaa lala xidhiidhinayaa in uu ku biirayo Liverpool marka la gaadho suuqa Jnauary si uu badal ugu noqdo xiddiga Virgil Van Dijk.

Van Dijk ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaawac xun soo gaadhay.

Wargayska CalcioMercato ayaa sheegaya in ay Schalke ogolaatay in ay Ozan Muhammed Kabak ka iibiso kooxda Liverpool suuqa January.

Sidoo kale Schalke ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga iyaga oo diyaar u ah in ay aqbalaan dalab dhan 25 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*