Bacary Sagna Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Xiddigii hore ee xulka qaranka France ee Bacary Sagna ayaa saadaaliyay 4-ta kooxood ee ku dhamaysan doonta kaalmaha loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyaga oo hal guuldaro la kulmay.

Man City ayaa ku xigta iyaga oo guul gaadhay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ay ciyaareen isla markaas bar-baro galay 2 kulan oo ay ilaa haatan ciyaareen.

Dhinaca kale Kooxda Tottenham ayaa badisay 5 ulan iyaga oo la dhibco ah kooxda Man City isla markaas hal dhibic ka dambeeya Arsenal.

Kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka sidii aan la filayn iyada oo Blues kaliya badisay 2 kulan 6-dii kaulan ee ay ciyaartay.

Dhinaca kale Man United ayaa badisay 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ay ciyaartay xilli ay Liverpool ugu xuntahay kooxaha waaweyn isla markaas badisay 2 kulan 6-dii kulan ee ay ciyaareen.

Bacary Sagna ayaa sheegay in kooxaha Arsenal, Man City iyo Tottenham si raaxo leh ugu soo bixi doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya halka ay Chelsea iyo Liverpool ku tartami doonaan kaalinta 4-aad xilli ayna Man United ku jirin tartanka kaalinta 4-aad.

“Waxaan filayaa in Arsenal, Tottenham, Manchester City ay hubaal ku dhameysan doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya iyada oo ay chelsea booska kula tartami doonto Liverpool”.