Bacary Sagna Oo Magacaabay Kooxda Man City Kula Tartami Doonta Man City, Mana Ahan Liverpool.

Bacary Sagna ayaa magacaabay kooxda Man City kula tartami doonta premier League xilli ciyaareedkan isaga oo iska indha-tiray kooxda Liverpool kadib markii ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Man City iyo Liverpool ayaa ku tartamay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore iyaga sidoo kale horyaalka ku tartamay 5-tii sano ee ugu dambeeyay.

Laakiin Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya helay 9 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaareen.

Sidaas darteed daafacii hore ee premier Legaue Sagna ayaan Liverpool u arkin in ay Man City kula tartami doonto horyaalka.

Laakiin Sagna ayaa Arsenal u arka kooxda Man City kula tartami doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan dareensanahay in ay Arsenal tahay kooxda sida weyn Man City ugula tartami doonta ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”.

“Ma arko koox kale oo ku tartami karta horyaalka gaar ahaan Liverpool gabi ahaan way ka baxsantahay ku tartaista horyaalka sabab la xidhiidha sida xun ee ay ku bilaabatay”.

1 Comment

  1. Sagna fikirkiisa waa fikir laqadan karo sadashiisana waa ta oo gu macquulsan een akhriyo intaan warbahinta sadashooda akhrinayay
    Sagna waa legend premien league wax kagaranayo keep goin sagna

Comments are closed.