Bacary Sagna: Liverpool Way Seegi Doontaa 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Daaficii hore ee Arsenal Bacary Sagna ayaa saadaaliyay in Liverpool ay noqon doonto mid ka mid ah kooxaha seegi doona 4-ta boos ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin xilli ciyaareedkan waxana ay badiyeen kaliya laba ka mid ah lixdii kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay.

Waxa ay guuldaro kala kulmeen Man United halka ay bar-baro la galeen kooxaha Fulham, Crystal Palace, iyo Everton.

Isagoo la hadlayay Lord Ping, Sagna ayaa sheegay in ay Reds haatanba dhibco badan lumisay xilli ciyaareedkan xilli ay ku jirto kaalinta 8-aad ee kala saraynta isla markaas leh 9 dhibcood ka dambaysa kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal.

“Waxa aan u malaynayaa in ay Liverpool seegi doonto 4-ta boos ee ugu saraysa premier League xilli ciyaareedkan marka la eego 7-da kulan ee ilaa haatan la ciyaaray sababta oo ah waxa ay lumiyeen dhibco badan”ayuu yidhi.

“Waxa ay haatanba 9 dhibcood ka dambeeyaan Arsenal wayna dagtahay in la soo yareeyo dhibcahaas hadii ay kooxaha ka sareeya sii wadaan guulaha”.