Ayuu Xulka England Ku Aadi Karaa Wareega 16-ka Ee Euro 2020, Kadib Markii Ay U Soo Bexeen Wareega Xiga?

Xulka England ayaa garaacay xulka Czech Republic kuna soo baxay kaalinta 1-aad ee Group-ka D kadib markii ay guul gaadheen kulankii ugu dambeeyay Group-kooda.

Xulka Saddexda Libaas ayaa gaadhay 2 guul 3-dii kulan ee wareega Group-yada iyada oo uu Raheem Sterling ayaa guul ku hogaamiyay xulkiisa labada kulankaba.

Kadib natiijadaas xulka England ayaa kaalinta 1-aad ku dhamaystay Group-kooda xlli uu xulka Czech Republic  ku dhamaystay kaalinta 3-aad kadib markii uu xulka Croatia badiyay.

Hadaba ayay Xulka England ku aadi karaan wareega 16-ka:

Guushii uu xulka England ka gaadhay Czech ayaa la macno ah in ay ku soo bexeen kaalinta 1-aad waxana ay ku aadi doonaan xulka kaalinta 2-aad kaga soo baxa Group-ka F ee ugu dambeeya.

Laakiin dhibaatada ayaa ah in aan Group-kaas wali lagu kala bixin waliba xulka England ku aadi karo midkood xulalka France, Germany, Portual ama Hungary kolba xulka kaalinta 2-aad ku soo baxa.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*