Aymeric Laporte Oo Hogaaminaya 5 Daafac Dhexe Oo Ay Barcelona Doonayso Saxiixooda Xagaaga

Daafaca Manchester City Aymeric Laporte ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid yahay shan xiddig oo daafaca ka ciyaara oo lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Kooxda reer Catalan ayaa ku dartay daafaceeda xiddiga Eric Garcia intii lagu jiray suuqii xagaaga waxana uu xiddiga da’yarka ah qaab joogto ah ugu ciyaaraa kooxda 1-aad.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Fichajes.net, madaxda kooxda Barcelona ayaa doonaysa badalka xiddigaha Oscar Mingueza, Clement Lenglet iyo Samuel Umtiti.

Sidaas darteed kooxda Barcelona ayaa diyaarsatay 5 xiddig oo ka ciyaara daafaca oo ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga si ay ugu badasho xiddigaha kor ku xusan.

Xiddigaha Aymeric Laporte, Sven Botman, Matthijs de Ligt, Mohammed Salisu Iyo Cristian Romero ayaa ka mid ah xiddigaha ay kooxda Barcelona u doonayso daafaca dhexe.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*