Ayaa Ku Guulaystay Kabta Dahabka Ah Ee Gooldhalinta Euro 2024.

Harry Kane iyo Dani Olmo ayaa ka mid ah lix ciyaaryahan oo qabsaday abaalmarinta kabta dahabka ah ee Gooldhalinta tartankii dhamaaday ee Euro 2024.

6 Xiddig oo kala duwan ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah kadib markii ay dhamaantood ku dhamaysteen tartanka min 3 gool.

UEFA ayaa xaqiijisay jimcihii in sharciga ay wax ka bedeleen qabanqaabiyeyaasha tartanka ay keenayso in abaalmarinta ay wadaagaan xiddigaha isku goolasha ah kadib markii horay loo siin jiray abaalmarinta xiddiga raaciya caawinta ugu badan tartanka marka laga yimaado goolasha.

Arintaas ayaa dhacday tartanka Euro 2020 iyada oo Ronaldo ku guulaystay abaalmarinta inkasta oo ay isku goolal ahaayeen xiddiga Czech Republic ee Patrik Schick laakiin maadama uu Ronaldo caawin badnaa isaga ayaa loo doortay abaalmarinta.

Sidaas darteed sanadkan abaalmarinta waxa ku wada guulaystay 6 xiddig oo dhaliyay min 3 gool intii uu socday tartanku.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga