Aurélien Tchouaméni Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Liverpool Ugana Doortay Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Aurélien Tchouaméni ayaa shaaca qaaday sababtii uu isaga diiday Liverpool ugana doortay ku biirista Real Madrid.

Xiddiga Aurélien Tchouaméni ayaa xagaagii ku biiray Real Madrid isaga oo kaga biiray kooxda Monaco kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Kooxda reer France.

Laakiin Liverpool ayaa ahayd kooxda xiisaha u qabtay saxiixa xiddiga ka hor intii ayna Real Madrid ku biirin tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Aurélien Tchouaméni oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Liverpool ayaa ahayd kooxda ugu horaysay ee xiisaha ii muujisay”.

“Waxa xitaa jiray wadahadalo aan la qaatay Liverpool laakiin markii aan maqlay in ay Real doonayso saxiixaysa isla markiiba go’aan ayaan qaatay”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga Aurélien Tchouaméni ayaa si fiican ula qabsaday Real madrid waxana uu muhiim ka noqday kooxda Carlo Ancelotti isaga oo buuxiyay booskii uu baneeyay Casemiro.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*