Aurelien Tchouameni Oo Kashifay Qaabkii Uu Mbappe Isugu Dayay In Uu Ku Qanciyo Ku Biirista PSG.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni ayaa sheegay in uu xiddiga Kylian Mbappe ku qanciyay in uu ku biiro kooxda PSG ka hor intii uuna ku biirin Real Madrid.

Xiddiga Aurelien Tchouameni ayaa xagaagii ku biiray kooxda Real Madrid xilli lala xidhiidhinayay kooxaha waaweyn ee reer yurub.

“Waxa ay ahayd wada hadal aad u xiiso badan oo aan la yeeshay Kylian, waxa uu doonayay in uu ogaado waxa aan qorshaynayo, sidoo kale aniguna waxa aan jeclaa in aan ogaado waxa qorshaynayo”ayuu Tchouameni u sheegay L’Equipe.

“Bishii June wuxuu go’aansaday inuu sii joogo PSG, waxana uu ii sheegay  in aan kula biiro PSG laakiin mar hore ayaan go’aansaday dookhayga waxan aan doonayay Real”.

Tchouameni iyo Mbappe ayaa u wada ciyaaro xulka qaranka France waxana ay u muuqataa in ay leeyihiin xidhiidh fiican lakiin Kylian ayaa doonayay in uu kula biiro PSG.