Aurelien Tchouameni Oo Bixiyay Jawaab Cad Kadib Markii La Waydiiyay In Uu Kala Doorto Real Madrid Iyo Liverpool.

Xiddiga khadka dhxe uga ciyaara kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni ayaa bixiyay jawaab cadaan ah kadib markii la waydiiyay in uu kala doorto kooxaha Liverpool iyo Real Madrid oo lala xidhiidhinayo.

Aurelien Tchouameni oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Liverpool suuqa xagaaga.

“Waan ka helaa labadaba [Real Madrid iyo Liverpool]: waan daawan karaa ciyaaraha La Liga iyo waliba kuwa Premier League, way kala duwantahay in la daawado labada horyaalka, laakiin dhamaadka aniga ayaa leh go’aanka waana in aan doorto kooxda aan la qabsan karo”.

Tchouameni ayaa haatan la sheegayaa in uu doortay kooxda Real Madrid isla markaas saaxiibadiisa u dhaw u sheegay ku biirista Los Blancos.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 80 milyan oo euro iyada oo Monaco diiday in ay hoos u dhigto qiimaha xiddiga.

Tchouameni ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kadib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay kooxda Monaco xilli ciyaareedkii dhamaaday