Aurelien Tchouameni & Erling Braut Haaland Oo Doonaya In Ay Hal Koox Ku Wada Biiraan.

Xiddiga khadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni iyo weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba doonayaan inay ku biiraan Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga.

Tchouameni ayaa qaab ciyaareed xoogan ku qaadanaya kooxdiisa Ligue 1 xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda Monaco u saftay 43 kulan tartamada oo dhan isla markaas dhaliyay 3 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

Dhanka kale, Haaland, ayaa dhaliyay 23 gool 7 caawin 25 kulan oo uu u saftay Dortmund, waxaana si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxda Dortmund xagaaga iyada oo lagu heli karo lacag dhan 67 milyan oo euro.

Chelsea iyo Manchester United ayaa weli lala xiriirinayaa Tchouameni, halka Manchester City iyo Barcelona la sheegay inay si adag ugu tartamayaan Haaland.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay AS, labada xiddig ayaa doonaya in ay ku biiraan kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.