Aubameyang Oo Xiddig U Ciyaara Arsenal Ku Qanciyay In Uu Ka Tago Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday inuu u sheegay weeraryahanka Arsenal Eddie Nketiah inuu ku biiro Marseille.

Labada kooxood ayaa in muddo ah ku hawlanaa wadahadalo ku saabsan sidii ay u kala iibsan lahaayeen xiddiga kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Crystal Palace iyo Brentford.

Weeraryahankii hore ee Gunners Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Marseille ka hor inta uusan u dhaqaaqin Saudi Arabia xagaagan.

Aubameyang, oo ka tagay Ligue 1 horaantii suuqan si uu ugu biiro kooxda Saudi Pro League ee Al-Qadsiah.

Laakiin inkasta oo uu ka tagay, weeraryahanka ayaa ku dhiiri galiyay Nketiah inuu ka fikiro u dhaqaaqista France, gaar ahaan Marseille.

Kooxda reer France ayaa 20 milyan oo euros oo u dhiganta (£16.9 milyan gini) ka gudbisay Nketiah, laakiin waxaa loo malaynayaa in Arsenal aysan u badnayn inay aqbasho dalabkaas. Gunners ayaa weeraryahanka ku qiimaysa 59 milyan oo euro oo u dhiganta 50 milyan oo gini.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga