Aubameyang Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal , Miyuu Saxiixayaa Hishiis Cusub Mise?

Weeraryahanka Arsenal ee Aubameyang ayaa diiday in uu jawaab cad uu ka bixiyo su`aal laga weydiiyay mustaqbalkiisa kooxdaas ka dib kulankii ay ku garaaceen Norwich City

” Waan arkeynaa , waxaan la hadlayaa maamulka kooxda aan aragno waxa dhaca” ayuu ku jawaabay Aubameyang

“Waxaan haatan diiradda saarayaa kulamada koox , anaga oo haysanna tababare Artetana wax wacan ayaan qabaneynaa”

Tababare Arteta ayaa isna wax laga weydiiyay mustaqbalka Aubameyang” waxaa ka go`an in uu la nala joogo”

” Arintaas waxaan u deynayaa maamulka kooxda balse xageyga mar waliba rajadeyda waa ay wacan tahay” ayuu sii raaciyay tababaraha Arsenal

Arsenal ayaa Norwich City ku garacaday afar gool oo nadiif ah xilli laba ka mid ah goolashaas uu saxiixay Pierre-Emerick Aubameyang

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*