Atletico Madrod Oo Man United U Ogolaatay In Ay Ka Iibiso Marcos Llorente Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Kooxda Atletico Madrid ayaa lau soo waramayaa in ay Man United u ogolaatay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marcos Llorente marka la gaadho suuqa kala iibsia xaaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Atletico ayaa Man United u sheegtay in ayna qiimo jaban ku heli doonin xiddiga khada dhexe laakiin tahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay miiska u saartay kooxda Atletico Madrid dalab Rasmi ah oo dhan 68.5 milyan euro si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marcos Llorente.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegay in ay hogaamiyayaasha horyaalku diideen dalabkaas waliba ayna wadahadalo la gali doonin Man united ilaa inta ay ka bixinayso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegay in ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay Marcos Llorente ka iibiso kooxda Man United laakiin waa hadii ay Red Devils bixiso lacag dhan 120 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiska.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*