Atletico Madrid Oo Man United U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Saxiixa Kieran Trippier

Kooxda Atletico Madrid ayaa Man United u sheegtay in ay iska ilowdo saxiixa xiddiga Daafaca ka ciyaara ee Kieran Trippier hadii ayna miiska saarayn laca dhan 30 milyan oo euro.

Kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga Ayaa Dhigeeda Man United u sheegtay in uuna xiddiga Kieran Trippier ka tagi doonin kooxda ilaa ay helayso dalab lacageed oo dhan 30 milyan oo euro.

Kooxda Man United ayaa aad loola xidhiidhinyaa saxiixa xiddiga Kieran Trippier si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe lana tartansiiso xiddiga Aaron Wan Bissaka.

Laakiin Kooxda Ayaa diidan in ay xiddiga reer England ku iibiso wax ka yar lacag dhan 30 milyan oo euro iyaga oo doonaya in ay sii haystaan xiddiga hadii ayna helin dalabka ay doonayaan.

Xiddiga Kieran Trippier ayaa dhankiisa doonaya in uu ku laabto England kuna biiro kooxda Man United si uu ugu dhawaado qoyskiisa iyo dadka ku dhaw ee ku nool dalka England.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*