Atletico Madrid Oo Laba Xiddig U Soo Bandhigtay Arsenal Si Ay Uga Helaan Alexandre Lacazette

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay laba xiddig miiska u saartay Arsenal si ay u helaan weeraryahanka Gunners ee Alexandre Lacazette inta lagu jiro xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Diego Simeone doonayso saxiixa xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Wargayska ayaa sheegay in ay Atletico madrid Arsenal miiska u saartay dalab laba xiddig ah oo ay ku jiraan xiddigaha Vitolo & Thomas Lemar.

Labada xiddig ee Vitolo & Thomas Lemar Ayaan ku jirin qorshaha tababaraha ee xilli ciyaareedkan taas oo keentay in ay Arsenal u soo bandhigaan.

Dhanka kale Mustaqbalka Alexandre Lacazette ayuu shaki weyn ku jiraa tan ilaa markii uu Mikel Arteta tababaraha u noqday kooxda.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*