Atletico Madrid Oo Garaacday Barcelona, & Kooxda reer Catalan Oo Ku Jirta Xaalad Murugo.

Kooxda Atletico Madrid ayaa milix sii marisay xaalada xun ee Barcelona kadib markii ay ku dhex dubatay garoonka Wanda Metroplitano kulan ka tirsanaa La Liga.

Guuldaradan ayaa xaalka ku sii xumaysay Koeman iyo kooxdiisa kuwaas oo galay xaalad murugan oo aan la ogayn waxa ay ku dambayn doonto inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si aad ah u doonayeen guusha iyo goolasha xilli ay Atletico Madrid ahayd kooxda fiicnayd.

Daqiiqadii 23-aad ayay Atletico Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Thomas Lemar kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa dhankeeda ku fiicnayd dhinaca kubad haysashada laakiin maxay u taraysaa hadii ay ku dhibaatoodeen in ay tijaabiyaan goolhayaha Atletico Madrid.

Daqiiqadii 44-aad ayay Atletico Madrid dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana markan goolka u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo gool ka dhaliyay kooxdiisii hore

Laakiin Suarez ayaa Ixtiraam u muujiyay saaxiibadiisii hore iyo taageerayaashiisii hore waxana uu diiday in uu u dabaal dago goolka uu k dhaliyay koodiisii hore.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo Barcelona dhabarka loo saaray 2 gool inkasta oo ay maamulayeen kubada waliba sameeyeen fursado fiican.

Qaybtii dambe ayaan waxba iska badalin natiijada inkasta oo ay labada kooxoodba fursado fiican sameeyeen waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Atletico Madrid garaacday Atletico Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*