Atletico Madrid Oo Diiday Shardi Ay Barcelona Ku Xidhay Is Dhaafsiga Xiddigaha

Atletico Madrid ayaa diiday inay ku deg degto nidaamka isku badalashada ee ay kooxda Barcelona ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee  Antoine Griezmann inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Waxa jira warar badan oo sheegaya in ay labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Barcelona ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan is dhaafsiga xiddigaha Griezmann iyo Saul inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa dooneysa inay 15 milyan oo euro oo dheeri ah ku hesho Atletico Madrid iyo waliba xiddiga Saul si uu Griezmann ugu laabto Atletico Madrid laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa diidan qorshaha kooxda Barcelona.

Atlético de Madrid ayaa doonaysa in ay dib u hesho xiddiga Griezmann iyada oo ay Barcelona doonayso in ay iska fasaxdo xiddiga si ay u yarayso mushaharka badan ee xiddiga reer France.

Laakiin Atletico Madrid ayaa diidan in ay 15 milyan ku darto xiddiga Sual maadama ayna doonayn in ay bixiso wax lacago ah si ay dib u hesho xiddiga Griezmann kaas oo wakhti fiican ku qaatay caasimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*