Atletico Madrid Oo Chelsea U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Jan Oblak

Kooxda Chelsea ayaa haysata fursad aad u yar oo ay kula soo saxiixato Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak kadib markii ay Atletico Madrid sheegtay in ayna heli doonin Goolhayaha ilaa ay ka bixinayso lacagta lagu bu-burinayo heshiiskiisa.

Kooxda chsea ayaa doonaysa Goolhaye ay ku badasho Goolhayaha qaab ciyaareedka xun ku jira ee Kepa Arrizabalaga waxana lala xidhiidhinayaa Goolhayaha Atletico Madrid ee Oblak.

Inkasta oo Goolhayaha lagu heli karo lacag dhan 109 milyan oo euro hadana waxa jira warar sheegaya in ay Chelsea doonayso in ay ku darto heshiiska Goolhaye Arrizabalaga.

Si kasta ha ahaatee Goal.com ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid doonayso kaliya in la bixiyo lacag kaash ah oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Kooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga inkasta oo uu 27 jirku doonayo in uu tartan cusub ka ciyaaro.

Oblak ayaa kooxda kula jira heshiis 3 sano ah oo ka mid ah heshiiskii uu saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*