Atletico Madrid Oo Chelsea Jawaab Cad Ka Siisay Isku Dayga Ay Ku Doonayso Jan Oblak.

Madaxweynaha Kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa Goolhaye Jan Oblak ku tilmaamay Goolhayaha ugu fiican adduunka una sheegay chelsea in ay meel kale ka raadsadaan Goolhaye.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso saxiixa Goolhaye Oblak si ay ugu badasho Goolhayaha ku fashilmay ee Kepa Arrizabalaga.

Laakiin Madaxweynaha Atletico Madrid ayaa sheegay in uu Oblak dhamaysan doono heshiiskiisa kooxda oo uu 3 sano uga hadhsanyahay.

“Mar walba waxa aan sheegaa in uu Oblak heshiis kula jiro kooxda, waa Goolhayaha ugu fiican adduunka”ayuu u sheegay Marca.

“Ma ahan wax lala yaabo in uu dalabyo ka helo kooxo kale oo waaweyn”.

“Laakiin aniga go’aankaygu mar walba waa isku mid waa xiddig Atletico ah waxana uu sidaas sii ahaan doonaa inta uu heshiiska kula jiro”.

Sii Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*