Atletico Madrid Oo Arsenal Ka Arkootay Badalka Saul Niguez, Waa Xiddig Laf Dhabar U Ah Gunners.

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo xiddiga Arsenal Bukayo Saka haddii Saul Niguez uu qaab toos ah ugu biiro Chelsea suuqa xagaaga soo socda.

Xiddiga reer Spain ee Niguez ayaa qaab amaah ah ugu biiray chelsea maalintii ugu dmabaysay suuqa xagaaga laakiin Blues ayaa dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Hadii uu Thomas Tuchel go’aansado in uu Si toos ah ula wareego Saul, Atletico Madrid ayaa suuqa u galin doonta badalkiisa toos ah si ay u xoojiso khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay La Razon, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa dooneysa inay Saka ka dhigto badalka Niguez xagaaga 2022 laakiin Gunners ayaan si dhib yar ku ogolaan doonin iibka xiddiga.

Saka ayaa kooxda Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana uu wali sugayaa in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*