Athletic Bilbao Oo Finalka SUPER CUP Iska Xaadirisay , Real Madrid Ayay Ka Badiyeen Xilli Ay Balansadeen Barcelona

Ka dib qaladaad dhanka daafaca ah , Real Madrid ayaa ku hartay semi finalka SUPER CUP-ka , waxaana 2/1 ku garaacday kooxda Athletic Bilbao.

Qeybta hore waxaa lagu nastay laba gool oo Real lagu lahaa waana kaliya laba fursad oo ay heleen kooxda Athletic Bilbao.

Real kubadda iyaga ayaa haystay balse halis gilin muuqtaa kuma aysan sameyn Athletic Bilbao halka kooxda kale ay ku tiirsnaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Real waxa ay ka sheeganayeen in ciyartooyda ay si ka bad badis ah ay boosaskooda ugu tagayeen waana midda keentay in gool koowaad lagu helo ka dib qalad daafaca ah kuwaas oo boosaskooda baneeyay waxaana goolkaas daqiiqadii 18-aad ka dhaliyay Raul Garcia .

Real si sax ah kubadda uma aysan dhiseyn halka Athletic Bilbao ay daafac ahaan aad u wacnaayeen waliba kubad kalsooni leh ayay soo bandhigayeen .

Athletic Bilbao oo ku tiirsaneyd rogaal celiska waxa ay Real ku qasbeen in qalad rigoore ah galaan waxaan mar kale daqiiqaddii 38-aad ka dhaliyay Raul Garcia .

Qeybta labaad , Zidane waxa uu horay u soo giliyay Nacho Fernandez oo loo soo saaray Varane , Real aad ayay u dadaaleen balse nasiibka ayaa biloowga qeybtaas labaad ka maqnaa
Daqiiqaddii 62 iyo 68-aad Real birta ayaa diiday waxaana sidaas sameeyay Assensio , wiilasha Zidane ayaana ku badnaa maamulka kubadda

Real oo gool raadis aheyd waxaa daqiiqadii 75-aad loo ansxiyay gool uu dhaliyay Beznema ka dib markii VAR lagu soo laabtay , waxa uuna Zidane badaladiisa kale sameeyay daqiiqadii 67-aad ku soo giliyay Vinicius Junior iyo Valverde oo loo saaray Hazard iyo Modric

Real , cadaadis ayay sareen kooxda Athletic Bilbao kuwaasi oo dib u gurtay balse rogaal celiska halis ayay ku ahaayeen waxaana daqiiqadii 79-aad gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha Real Madrid xilli Benzema gool laga diiday daqiiqadii 81-aad sababa la xariira Offside .

Dhamaadkii , Real si weyn ayay neefta ugu celiyeen kooxda martida balse daafac ahaan ayaa loo hor taagnaa xilli Real mararak qaar rogaal celiska lagu dilayay , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Athletic Bilbao  isaga xaadirayeen finalka Super Cup-ka oo ay ku arkayaan Barcelona.

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*