Aston Villa Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Man City, Arsenal Ayay Diirka Ka Siibtay.

Kooxda Aston Villa ayaa qarxisay lama filaan weyn kadib markii ay garaacday kooxda Arsenal oo garoonkeeda joogta.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal fiicantahay isla markaas tijaabisay goolka tirada ugu badan.

Kooxda Aston Villa ayaa ciyaaraysay weerar rogaal celis ah iyaga oo daafac ku jiray.

Gunners ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka laakiin Aston Villa ayaa u diiday.

Waxa ay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyaga oo aan wax gool ah kala dhalin.

Daqiiqadii 84-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Leon Baily kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Aston Villa ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 87-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Arsenal ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado laakiin uma suurtagalin in ay goolal dhaliso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Aston Villa Ku Garaacday 2/0 Kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga