Aston Villa Oo Aqbalaysa Dalabka Man City Ee Jack Grealish

Aston Villa ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay aqbasho dalabka £ 100m ee Manchester City ee Jack Grealish.

Kooxda Premier League ayaa la aaminsanyahay in ay jimcihii dalab Rasmi ah oo lacag badan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga iyada oo wadahalo toos ah kula jirta kooxda Aston Villa si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Kooxda Aston Villa ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga kubad sameeyaha ah waliba u soo bandhigto heshiis cusub.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay Villa diyaar u tahay in ay aqbasho dalabka Man City ee 100-ka milyan ah iskana iibiso xiddiga reer England xagaagan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu dhankiisa doonayo u dhaqaaqista kooxda Man City isaga oo xitaa diyaar u ah in uu gudbiyo warqada bixitaanka hadii ay kooxdiisu u ogolaan waydo in uu boxo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*