Arteta Oo Walaac Cusub Ka Muujiyay Xaaladda Dhaawac Ee Thomas Partey

Taagereyaasha Arsenal ayaa war niyad jab leh kala kulmay xaaladda dhaawaca ee Thomas Partey ka dib hadal uu macalin Arteta jeediyay ka dib kulankii Wolves

Arsenal ayaa guul darro 2/1 kala kulantay Wolves kulan ka tirsanaa wareegga 10-aad ee horyaalka waxaana la joogay garoonka Emarates .

Laacibkaas ayaan ka qeyb galin kulankaas oo uu kaga maqnaa dhaawacii bowdada ee ku gaaray kulankii Aston Villa 8-da bishii November

Macalinka oo wax laga weydiiya xaaladda laacibka ayaa ka sheegay Football London ” ma aaminsani in uu diyaar ahaan doono xittaa kulamada soo socda”.

Mar kale ayaa la weydiiyay in xaaladda Thomas ay ka halis badan tahay intii horay loo filayay waxa uu Arteta ku jawaabay” Haa”

Partey ayaa Arsenal u yimid xagaagii waqtigaas oo ka soo wareegay Atletico waxa uuna illaa iyo haatan u saftay 8 kulan dhamaan tartamada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*