Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay in kooxdiisu ay “aad uga fogayd qaab ciyaareedkoodii fiicnaa” kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay Bournemouth kulan ka tirsan Premier League Sabtidii.
Arteta waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoydiisu ay sameeyeen “waxyaabo yaab leh” kulankii ay la yeesheen Bournemouth.
Eli Junior Kroupi ayaa martida u dhaliyay goolka furitaanka, ka hor inta uusan Viktor Gyökeres goolka barbaraha ka dhigin rigoore uu si xoog leh u dhaliyay.
Alex Scott ayaa goolkii guusha ee daqiiqadihii dambe u dhaliyay Bournemouth, inkastoo Arsenal ay xukuntay ciyaarta qeybtii labaad.
“Waa niyad jab. Waa dharbaaxo weyn oo wajiga nooga dhacday, hadda waxa muhiim ah sida aan uga falcelinno,” ayuu yiri Arteta.
“Waa koox aan khasaarin 11 kulan sabab la’aan, wax badan ayay si sax ah u sameeyeen”
“Waxaan aad uga fogayn qaab ciyaareedkeenii fiicnaa. Fursaddii ugu horreysay ee ay sanduuqa ku soo galaan, waa leexasho, qalad difaac, waana gool. Taasi waa wax ay tahay inaan ka soo kabano”
“Qeybta labaad waxaad filaysaa ciyaar ka duwan. Waxaan sameynay waxyaabo badan oo yaab leh maanta”
“Waxaan ahayn kuwo aad u joogto ah. Tani way dhici kartaa, kubbaduna sidaas ayay tahay.”
Be the first to comment