Arteta Oo Sharaxay Sababta Uusan Shaxdiisa Ugu Bilaabi Eze.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta ayaa sharaxay sababta uu uusan ku bilaabin saxiixii xagaaga ee kooxda, Eberechi Eze, kulankii ay la ciyaareen Liverpool.

Arteta ayaa daawanayay iyadoo Liverpool ay 1-0 kaga adkaatay Gunners garoonka Anfield, kaddib gool uu qeybtii labaad dhaliyay Dominik Szoboszlai.

Tababaraha reer Spain ayaa doortay inuusan Eze ku bilaabin ciyaarta inkasta oo uu u baahnaa xiddig sameeya kubada.

Eze ayaa beddelay Gabriel Martinelli daqiiqaddii 70aad, balse guuldaro kama uusan badbaadin kooxdiisa.

Arteta ayaa wareysi kadib ciyaarta ku sheegay: “Wuxuu nala joogay 4 ama 5 maalmood oo kaliya.

“Maanta wuu helay waayo-aragnimo fiican. Ciyaartoydii ciyaartay waan ku aaminsanahay gebi ahaanba,” ayuu ku daray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga