Arteta Oo Qirtay In Ay Kooxdiisa Ku Aadkaan Doonto Ku Guulaysiga Premier League.

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in ay “adkaan doonto” kooxdiisa inay ku guuleysato tartanka horyaalka.

Arteta ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii kooxdiisu barbaro 1-1 ah la gashay Manchester City ciyaartii Axaddii ee horyaalka Premier League.

Kooxda Gunners ayaa ciyaarta ku bilaabatay si liidata, iyadoo gool looga naxsaday bilowgii ciyaarta oo uu u dhaliyay Erling Haaland, ka hor inta uusan Gabriel Martinelli kasoo gelin ciyaarta kursiga keydka, islamarkaana u dhigin goolka barbaraha qeybtii dambe.

Natiijada waxay ka dhigan tahay in Arsenal ay leedahay 10 dhibcood, shan dhibcood ayayna ka hooseysaa Liverpool, oo ilaa hadda guuleysatay dhamaan shantii ciyaarood ee ay ciyaartay.

Arteta ayaa yiri, “Arrintaas ma awoodno inaan xakameyno. Iyagu (Liverpool) way guuleystaan ciyaar kasta.

“Waa ay adkaan doontaa, laakiin haddii aan ku ciyaarno heerkaas, sida aan uga hor ciyaarnay Manchester City, wax walba way fiicnaan doonaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga