Arteta Oo Kashifay Wixii Uu U Sheegay Xiddigaha Kooxdiisa Kadib Guuldaradii Tottenham

Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay Xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii ka soo gaartay kulankii North London derby ee Tottenham.

Arsenal ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Tottenham kulan muhiim u ahaa kooxda Arsenal oo ay ugu soo bixi kartay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha reer Spain ayaa sheegay wixii uu u sheegay xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda ay ku xafiiltamaan Magaalada London ee Tottenham.

“Haatanba kor ayaan u qaaday xiddigaha kooxda”ayuu Arteta yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan u sheegay xiddigaha in aan ku faanayo qaab ciyaareedkooda kuna faraxsanahay, waxa aan u sheegay in aan aqbalno guuldarada haatana u diyaar garawno kulanka Newcastle”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*