Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Odegaard & Saka Kadib Dhaawacii Leeds

Mikel Arteta ayaa filimka in Bukayo Saka ay u badan tahay in uu soo gaaray dhaawac halis ah kadib guushii 5/0 ahayd ee Arsenal ka gaadhay kooxda Leeds.

Gunners ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Leeds si ay u sii ilaashadaan rikoorkooda boqolkiiba 100 isla markaana ay hogaanka Premier League ku hayaan.

Laakiin kooxda ayaa ka walaacsan xaalada dhaawacyada ee laba ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda iyaga oo ka walaacsan taam ahaanshohooda ka hor kulanka Liverpool.

Kadib markii uu ciyaaray 90 daqiiqo kulankii Man United, Odegaard ayaa dhaawac garabka  uga baxay kulanka ka hor inta uuna Bukayo Saka isna dhaawacmin.

“Haa, taasi waa war xun, Martin ayaa markii hore ka dhaawacmay jilibka kadib waxa kadib saaka waxa aan sugi doonaa baadhitaanka”ayuu Arteta yidhi.

“Bukayo saka markii uu dhaawacmay wuu ordayay, waxana uu xanuun ka dareemay muruqa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga