Arteta: Halkan Arin Ayaan Rajaynayaa Kadib Markii Aan Gaadhnay Final-ka FA Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uu kooxda sii joogo kooxda kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii ay Arsenal gaadhay final-ka tartanka FA Cup.

Arsenal ayaa iska xaadirisay Finalka tartanka kadib markii ay 2/0 ku garaacday kooxdii difaacanaysay koobka ee Man City iyaga oo uu 2-da gool u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lala xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Arsenal xagaaga isaga oo aan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin xilli uu heshiiskiisu dhici doono sanadka 2021.

Arteta oo ciyaarta kadib la hadlaya Daily Mail ayaa yidhi”Qaabka uu ii soo eego marka aan la hadlayo ayaa i dareensiisa in uu ku qanacsanyahay kooxda”.

“Waxa aan rajaynayaa in uu sii joogo kooxda kadib markii ay Arsenal gaadhay Finalka FA Cup sababta oo ah waxa aan ku soconaa wadada saxda ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*