Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Sanadkan.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain yihiin labada kooxood ee ug cad-cad in ay ku guulaystaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tartanka ugu weyn yurub ee kooxaha ayaa la joojiyay tan ilaa bishii March sabab la xidhiidha xanuunka Korona laakiin waxa dib loo bilaabi doonaa todobaadka dambe iyada oo la ciyaari doono kulaamdii lugta 2-aad ee aan la ciyaarin sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Markii la weydiiyay inuu saadaaliyo kooxda ku guulaysan doonta champions League ayuu Wenger u sheegay Europe 1″Marka aad la ciyaarayso kooxaha Atalanta ama Atletico Madrid wax walba ayaa dhici kara”.

“Laakiin aniga ahaan, Manchester City iyo PSG ayaa ah labada Koox ee ugu cad-cad marka loo eego dhanka tayadooda”.

“Runta marka laga hadlo gaar ahaan Waxa aan dareemayaa in ay PSG ka awood badantahay 3 iyo 4 sano ka hor”.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Mar Kale Hawada Ka Celisay Diyaarad Kenya Ka Socotay & Sababta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*