Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Halka Gnners Kaga Dhamaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa saadaaliyay in ay kooxdiisii hore ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii uu Mikel Arteta sameeyay suuq cajiib ah.

Arteta ayaa Arsenal ku hogaamiyay FA Cup-ka iyo waliba kaalinta 8-aad xilli ciyaareedkii hore waxana uu si fiican u galay suuqa xagaaga isaga oo kooxda keenay xiddigihii uu doonayay.

Wenger ayaa saadaaliyay in ay Arsenal xilli ciyaareedkan ka yaabsan doonto kooxaha kale waliba soo bandhigi doonto qaab ciyaareed fiican.

Markii la waydiiyay in uu saadaaliyo xilli ciyaareedka Arsenal ayuu Wenger u sheegay wargayska The Guardian”Waxa aan ku qanacsanahay in ay Arsenal ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya iyo meel ka saraysaba, maxaa diiday?.

“Waxa ay noqon karaan lama filaanka xilli ciyaareedkan, kooxdu waxa ay si fiican u gashay suuqa xagaaga waxana ay haystaan xiddigo fiican”.

Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaanada Reer Somaliland Ee Muqdisho U Shaqatagy Oo La Soo Dareerinayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*