Arsene Wenger Oo Qiimeeyay Fursadaha England Ee Tartanka Euro 2020 Kadib Guushii Ukraine.

Arsene Wenger ayaa ku tilmaamay guushii uu xulka England ka gaadhay Ukraine mid cajiib ah waxana uu xulka saddex-da libaax ku taageeray in ay iska xaadiriyaan Final-ka tartanka Euro 2020.

Xulka England ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka Euro 2020 kadib markii ay guul weyn ka gaadheen xulka Ukraine kulan ka dhacay Rome.

Tababarihii hore ee Arsenal Wenger ayaa u sheegay beIN SPORTS: ‘Waxay ahayd habeen ku haboon kubada cagta Ingariiska, habeen ku haboon England.

“Gool lagama dhalin, si fudud ayey ugu soo baxeen Wareega xiga, waxana ay sidoo kale nasiyeen xiddigo muhiim Ah”.

“Haatan waxa ay aadayaan Gurigooda ahna garooonkooda London semi-final-ka sidaas darteed ay adagtahay in haatan laga joojiyo gaadhista final-ka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*