Arsene Wenger Oo Kashifay Sababta Ay Arsenal Ugu Tartamayso Ku Guulaysiga Premier League.

Arsene Wenger ayaa sheegay in ay Arsenal tahay kooxda u tartamaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyaga oo badiyay lix guul todobadii kulan ee furitaanka.

Gunners ayaa hadda hogaanka u haysa horyaalka Premier League iyada oo hal dhibic ka saraysa Manchester City iyo Tottenham, halka Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore ku soo baxday kaalinta labaad ay sagaal dhibcood ka horayso.

Wenger, oo Arsenal ku hogaamiyay seddex koob oo Premier League ah 22-sano oo uu maamulayay, ayaa rumeysan in ayna jirin koox ka fiican kooxaha kale sidaas darteed ay Arsenal fursad u haysato ku guulaysiga horyaalka.

“Waxaan dhihi lahaa waxay heystaan ​​fursad wanaagsan xilli ciyaareedkan si ay ugu tartamaan horyaalka sababtoo ah ma arko koox awood badan,” Wenger ayaa u sheegay Sky Sports.

“Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wanaagsan oo ay xilli ciyaareedkan ugu guulaysan karto horyaalka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*