Arsene Wenger Oo Iska Diiday Dalab Uu Barcelona Ka Helay Si Uu U Noqdo Tababarohooda Cusub.

Arsene Wenger ayaa iska diiday fursad uu ku noqon lahaa macalinka kooxda Barcelona, ​​sida ay sheegayaan wararka.

Tababarihii hore ee Arsenal ayaan qaban shaqo tababarnimo tan ilaa markii uu ka tagay Gunners sanadkii 2018 kadib 22 sano oo uu hogaaminayay kooxda reer London.

Laakiin wargayska reer France ee Le10sport ayaa sheegaya in ay Barcelona dalab ka gudbisay Wenger si uu u noqdo tababaraha kooxda hadii ay shaqada ka caydhiyaan Quique Setien laakiin tababaraha ayaa iska diiday dalabkaas.

Tababaraha 70 jirka ah oo xil ka qabtay xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa doonaya in uu sii wato booskiisa uu haatan joogo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*