Arsene Wener Oo Ku Soo Laaban Doona Shaqada Tababaranimo & Kulanka Uu Hogaamin Doono Oo La Ogaaday.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wener ayaa hoaamin doona koox ka kooban xiddigaha kooxaha Al Hilal iyo Al Nasr isaga oo ka hor imandoona kulan ay ka hor iman doonaan kooxda PSG kulan loogu magac daray Koobka Riyadh Cup.

Tababarihii hore ee Arsenal ayaa sidaasi si ku -meel -gaar ah ugu soo laaban doona tababarka markii ugu horreysay tan iyo markii uu ka tagay Arsenal sanadkii 2018.

Bishii la soo dhaafay xidhiidhka kubada cagta Sucuudiga ayaa shaaciyay in uu kulan dhexmari doono kooxda PSG iyo xiddigo ka kooban labada kooxood reer sucuudi ee Al-Hilal iyo Al-Nasr kulan la ciyaari doono koobka Riyadh Cup.

Kulanka ayaa dhici doona 3 bisha January ee sanadka cusub ee 2022 iyada oo kooxda PSG la shir iman doonta dhamaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda ee ay ka mid yihiin Neymar, Messi iyo Mbappe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*