“Arsenal Waxa Ay Nagula Tartamaysaa Sii Joogista Horyaalka”:-Arsenal Oo Lagu Digtay Oo Aan Waxba Loola Hadhin.

Tababaraha Kooxda West Brom ee Sam Allardyce ayaa si baas ugu digtay kooxda Arsenal isaga oo fariin u diray tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta una sheegya in ay Arsenal haatan tartanka ka hadhista horyaalka kula jirto kooxaha ugu hooseeya.

Gunners ayaa kaliya 4 dhibcood ka dambaysa kaalmaha looga hadho champions League kadib 14 kulan oo ay ciyaareen iyaga oo kaliya 4 kulan badiyay.

Arintan ayaa noqotay mid lama filaan ah iyo waliba kaftan marka loo eego in la filayay in ay Arsenal u tartanto 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka Peemier league

Laakiin tababaraha cusub ee kooxda West Brom Sam Allardyce ayaa sheegay in ay Gunners haatan kooxaha ugu hooseeya premier League kula tartamayso sii joogista horyaalka.

“Shaki la’aan”ayuu yidhi markii ay Arsenal u dagaalamayso sii joogista horyaalka premier League.

“May badin wax kulan ah muddo 10 kulan ah, waxana ay heleen hal dhibic 7-dii kulan ee ugu dambeeyay”.

“Waxa la garaacay kulankii Carabao Cup-ka, Xiddigaha Arsenal waxa ay ku jiraan kalsooni xumo, waxa ay is waydiinayaan waxa ku dhacay”.

“Arimuhu waa in ay is badalaan, haatan waa wakhti muhiim u ah Arsenal xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*