Arsenal Waaxa Ay Ku Jirtaa Xaalkii Ugu Xumaa Ee Aan Abid Arkay.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Merson ayaa dhaleeceeyay kooxdiisii hore kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee ay kala kulantay kooxda slavia prague kulan ka tirsanaa Lugta 1-aad ee 8 dhamaadka Europa League.

Arsenal ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kulan aad u adkaa laakiin waxa daqiqiqadii 90+3-aad laga dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo haatan halis ugu jira in laa reebo tartanka Europa League.

Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wxii aan daawaday kulankii Liverpool iyo kulankii slavia prague waa Arsenal-shii ugu xumayd ee aan Abdi arkay”.

“Haatan ma arko qorshe ay Arsenal damacsantahay, kaliya waxa aan arkaa in ay doonayaan in uu xilli ciyaareedka dambe bilowdo”.

“Waan arki doonaa waxa dhaca waxa laga yaabaa in aan Nasiib yeelano”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*