Arsenal Vs Tottenham? Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Maanta.

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta Tottenham kulan ka tirsan North London Derby kulan ay labada kooxood ku tartamayaan kaalinta 1-aad ee premier League.

Tottenham ayaa kaliya hal dhibic ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal iyaga oo la wareegi doona hogaanka hadii ay badiyaan maadama ayna Man City ciyaari doonin ilaa Axada.

Laakiin Arsenal ayaa haysata faa’iidada garoonkeeda maadama ay ilaa haatan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigtay garoonkeeda Emirates.

Shaki la’aan Arsenal ayaa haysta koox fiican inkasta oo ay Gunners ku habsadeen dhaawacyo xiddigo ka mid ah kooxda.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo heer sare ah kuwaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskooda xilli ciyaareedkan.

Shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la soo xushay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Waxa si lama filaan ah shaxda uga maqan xiddiga Gabriel jesus kaas oo booskiisa u waayay xiddiga Harry Kane.

An Arsenal vs Tottenham combined line-up ahead of the North London derby