Arsenal Vs Chelsea: Blues & Gunners Oo Kulan Xiiso Leh Isaga Hor Iman Doona.

Kooxaha Arsenal iyo chelsea aya isaga hor iman doona kulan ka tirsan kulamada isku diyaarinta labada kooxood ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka Emirates iyada oo labada kooxood ku jiraan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kaas kaas oo ay 2 todobaad inaga xigaan.

Arsenal iyo chelsea ayaa horay u soo ciyaaray kulamo saaxiibtinimooyin ah laakiin kulankan ayaa noqon doona midkii ugu adkaa ee ay isaga hor imanayaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa soo gali doona 5:00 Galabnimo wakhtiga Somaliya iyada oo ay labada kooxoodba ish ku hayaan kulankan waliba la filayo in ay ku bilowdaan shaxdooda ugu adag si ay u tijaabiyaan awoodooda dhabta ah.

Sidii caadada ahayd shabakada kooxda ayaa natiijada ciyaarta idiin soo gudbin doonta isla daqiiqada ay dhamaato iyada oo aanay xiddiguhu ka bixin garoonka dhexdiisa.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*