Arsenal, Tottenham Mise Chelsea? Kooxda Uu Gabriel Jesus Dooran Doono Oo La Shaaciyay, Sabab.

Steve McManaman ayaa sheegay in Gabriel Jesus uu ku biiri doono Arsenal xagaagan marka loo bar-bar dhigo kooxaha Tottenham iyo chelsea.

Halyeeyga Liverpool ayaa sheegay in ogaanshaha ah in uu noqon doono xiddiga 1-aad ee weerarka in ay saamayn ku yeelan doonto go’aanka Jesus.

Jesus ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man City xagaagan si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

McManaman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Gabriel Jesus waxa uu dooran doonaa ku biirista Arsenal sababta oo ah waxa uu noqon doonaa hogaamiyaha kooxda ee weerarka”.

“Wan ogahay in ay Tottenham iyo chelsea champions League ka ciyaari doonaan laakiin ogaansho uu ogyahay in uu todobaad walba ciyaari doono ayaa keenaysa in uu doorto Arsenal”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga Gabriel Jesus iyada oo Gunners doonayso in ay ku xoojiso weerarka xiddiga reer Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*