Arsenal & Real Madrid Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Dani Ceballos

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxaha Arsenal iyo Real Madrid ugu dambayn isla meel dhigeen mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballso kaas oo ay dhawdahay wakhtigii uu dhamaanayay heshiiska Amaahda ah ee uu ku joogay Gunners.

Tababare Zidane ayaa go’aansaday in uu iska fasaxo xiddiga reer Spain xagaagii Amaahna ku siiyo kooxda Arsenal isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ka heshiiyeen in uu Dani Ceballos heshiis amaah ah ku joogo Emirates Staduim muddo hal xilli ciyaareed oo kale ah.

Waxa intaas sii dheer in ay kooxda Arsenal dookh u haysato in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga 2021 hadii uu qanciyo qaab ciyaareed fiicana soo bandhigo.

Ceballos ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal tan ilaa markii uu Mikel Arteta tababare u noqday isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray shaxda Koxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*