Arsenal Oo Xasuuqday Leeds Iyo Gyokeres Oo Is Baray Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday Leeds United kulan ka tirsanaa premier league.

Arsenal ayaa ahayd kooxda awooda badan iyaga oo dhulka la dhacay kooxdii martida u ahayd.

Daqiiqadii 34-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Timber kaas oo sidoo kale daqiiqadii 56-aad dhaliyay goolkii 2-aad ee Shawshank ahaa.

Xiddig Saka ayaa dhaliyay gool daqiiqadii 45-aad ee dhamaadka qaybta hore.

Xiddiga Cusub ee Victor Gyökeres ayaa is muujiyay isaga oo dhaliyay laba Gool.

Daqiiqadii 48-aad ayuu goolkiisii ugu horeeya ee  Premier League dhaliyay ka inta uuna gool u badalin Rikoodhe loo dhigay dhamaadkii ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn gaadhay fariin cadna u dirtay kooxaha la tartamaya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga