
Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay lambarka uu Eberechi Eze u xidhan doono kooxda Arsenal kadib markii uu kaga soo biiray Crystal Palace.
Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo ku xoojinaya kooxda xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa xaqiijisay in xiddiga Eberechi Eze uu kooxda u xidhan doono No.10 wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka.
Lambarka 10-aad ayay Arsenal u soo xidheen xiddgo badan oo taariikh ku leh kana mid yahay Berckamp halka uu xiddiga Smity Rowe yahay xiddigii ugu dambeeyay ee kooxda u xidhay Lambarkaas.
Be the first to comment