Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Amaah Lacageed Ka Qaadatay Baanka England Xilli Lagu Jiro Suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay kuna dhawaaqday in ay lacag dhan 120 milyan oo euro ka heshay Baanka England iyada oo ay kooxdu ku jirto culeys dhaqaale oo uga yimid xanuunka Korona.

Kooxda Arsenal ayaa si xoogan u dareentay maqnaanshaha taageerayaasha kooxdeeda kadib markii kulamada lagu ciyaaray bilaa taageerayaal tan ilaa markii uu dilaacay xanuunka Korono.

Lacagta ay Arsenal ka amaahatay Baanka England waxa ka mid ah lacagta mushaharka xiddigaha kooxda oo uu ku jiro xiddiga ugu mushaharka badan ee Mesut Ozil inkasta oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Bayaan ay kooxdu soo saartay ayay ku qortay”Xilli aanu sii wadno ka shaqaynta saamaynta Xanuunka Korona kaas oo saameeyay dhaqaaleheena waxaaan maanta xaqiijinaynaa in ay kooxdu Amaah ka qaadatay Baanka England kadib markii ay buuxisay shuruudigii dhigay Baanku”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*