Arsenal Oo Xaqiijisay Go’aankooda Ku Aadan Mustaqbalka Dani Ceballos Ka Hor Kulanka Leicester

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay mustaqbalka Dani Ceballos ee kooxda Arsenal ka hor kulanka Gunners ay la ciyaareyso Leicester City.

Labada Kooxood ayaa u tartamaya boosaska yurub xilli Leicester City ku jirto kaalinta 3-aad 9 dhibcoodna ka horayso kooxda Arsenal ee ku jirta kaalinta 7-aad.

Mikel Arteta ayaa dooanaya in uu dib u dhis weyn ku sameeyo kooxda laakiin tababaraha reer Spain ayaa qaab ciyaareed fiican ku hogaamiyay kooxda tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Unai Emery bishii December 2019.

Tababaraha ayaa 3 daafac ku ciyaara kulamada kooxdiisa iyo 2 xiddig oo khadka dhexe taas oo kooxdiisa ku hogaamisay 4 guul tan ilaa markii uu shaxdaas ku ciyaaray.

Xiddiga Ceballos ayaa door muhiim ah ka ciyaaray shaxda Arteta isaga oo ka garab ciyaara kabtankii hore ee kooxda Granit Xhaka.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa haatan AMaah kula jooga kadib markii uu kooxda kaga soo biiray Real Madrid laakiin Arteta ayaa rajaynaya in uu sii haysto xiddiga.

“Haa, waxa aan wadahadalo kula jirnaa Real Madrid”ayuu Arteta yidhi markii wax laga waydiiyay mustaqbalka Ceballos.

“Sida cad arintu gacanteena kuma jirto marka hore waa in aanu la heshiino kooxdiisa laakiin waan qabanaynaa waxa aan awoodno”.

“Run ahaantii waan ku faraxsanahay sababta oo ah waxa uu samaynayay horumar waana  jecelahay sida uu u ciyaaro kubada kulan walbana waxa uu ciyaartiisa ku kordhiyaa wax cusub”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*