Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Kieran Tierney Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Liverpool.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Kieran Tierney ayaa ku qasbanaaday in uu isaga boxo kulankii ay Arsenal guuldarada 3/0 ah kala kulantay Liveprool kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

Kooxda Mikel Arteta ayay haatanba dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Bukayo Saka, Emile Smith Rowe, David Luiz & Granit Xhaka kuwaas oo dhamaantood seegay kulankii Liveprool.

Tierney Ayaa ku bilowday shaxda Arsenal sabtidii laakiin waxa ay isku dheceen xiddiga James Milner taas oo keentay in uu xiddigu ka dhaawacmo jilibka  ka hor dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Cedric Soares.

Ciyaarta kadib taabare Mikel Arteta ayaa sheegay in uu Tierney dareemay xanuun dhanka jilibka ah sidaas darteed uu muddo ka maqnaan doono garoomada inkasta oo uuna shaacin wakhtiga uu maqnaan doono.

Sidaas darteed xiddiga Tierney ayaa haatan la filayaa in uu seego in uu seego kulanka Khamiista ee ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Slavia Prague Tartanka Europa League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*