Arsenal Oo War Wacan Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jiraan Saxiixa Dusan Vlahovic

Kooxda Fiorentina ayaa lagu waramayaa in ay ogalaadeen in ay iibiyaan xiddigooda Dusan Vlahovic xilli Arsenal ay tahay kooxda ugu xooggan baacsiga laacibkaas

Arsenal ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuuleysa in wiilkaan reer Serbia ka dhigaan saxiixooda ugu horeeya ee suuqa jiilaalka .

Vlahovic ayaa hishiiskiisa waxaa haatan ka harsan 18 bil waxa uuna kooxda reer italy toos ugu war giliyay in uusan saxiixeyn qanadaraas cusub .

Sida wargeyska to La Repubblica ee Italy uu qorayo , Fiorentina ayaa diyaar u ah in ay iibiyaan laacibka , waxa uuna madaxa kooxdaas ee Rocco uu yiri ” Mustaqbalka Vlahovic wuu naga sii fogaanayaa”.

Laacibkaas 21 sano jirka ah waxaa haatan u dhaw Arsenal balse qiimo jaban kuma heli doonaan marka la eego mushaarka uu dalbanayo sanadkii iyo qarashka kooxdiisa looga soo iibinayo
Vlahovic ayaa ku jira bandhig wacan ,19 gool ayuu dhaliyay ka dib 23 kulan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkaan .

Marka laga yimaado Arsenal , kooxaha City , United iyo Tottenham oo ay sii dheer tahay Juventus ayaa isha ku haya saxiixa da`yarkaan