Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Thomas Partey Ka Hor Kulanka Man United.

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee Thomas Partey ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Man United isaga oo taam buuxa u ah in uu ciyaaro kulanka Sabtida.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku bilowday kaliya 6 kulan oo premier League ah sabab la xidhiidha dhaawac waxana uu dhaawac uga baxay kulankii Southampton ee Arbacadii.

Laakiin shabakada Goal ayaa sheegaysa in uu Partey si buuxda uga soo kabsaday dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Southampton waliba xiddigu taam buuxa u yahay kulanka Man United ee sabtida.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Arsenal marka loo eego in uu Partey xiddig muhiim ah kanoqday kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Partey ayaa ku soo laabtay tabaabrka buuxda ee kooxda isaga oo taam u ah in uu ku bilowdo kulanka Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*